Register for WA Charters 2024 Conference on May 4 at SeaTac, WA!

La kulan Halma: Tastuurka Isbdelka ee WA

Nov 15, 2020 | Blog

La kulan Halma

Fadhiyada dhisme dugsi dhamaad ku dhow, Halma Abubakar waxay uga hadlaysaa si galgacale barnaamijyada dugsiga ay caawinayso dhisidiisa Why Not You Academy, markii hore Cascade Midway Academy, dugsi dadweyne oo Washington.

Halma waxay ku kortay West Seattle bulsho aad iskugu xidhan halkaasi, sida ay si jaceyle ku tilmaamayso, “qofkastaaba wuu yaqaanaa qofkasta.”  Ka dib dugsigii sare, Halma waxay bilowday halgan cusub, iyadoo ka baranaysa isgaarsiinta iyo warbaahinta Jaamacada Barry University ee ku taal Miami ka hor intaanay tagin dibada si ay uga shaqeyso Dugsi ku yaal Dubai.

Halkan, Halma waxay ogaatay inaanay nafteedu ku qanacsaneyn shaqada maxaa yeelay dugsigu malaha qiimaheeda ama adeega dareenkeeda ee ardayda.  Wali, halkaasi ayey Halma ka sameysatay faham adag oo nooca goob waxbarasho ee ay rabto inay ku shaqeyso. Waxay si dhakhso ah ugu noqotay Seatlle halkaasi oo ay ka heshay dugsi dadweyne oo cusub lagana sameeyey – Summit Atlas.

Kuna biirtay Qoyska Dastuurka WA

Ka dib markay akhriday hadafka iyo hiigsiga Summit Atlas, Halma waxay nafteeda u sheegtay, ” tani waa meesha aan naftayda ka rabay.”

Masaafo yar ayuu u jiraa dugsigeedii hore ee sare, Summit Atlas wuxuu albaabadiisa uga furay isla xaafadii ay Halma kusoo qaadatay caruurnimadeedii. Xataa ka hor intaan dhismaha la dhameystirin, Halma waxay caawinaysa maalinteedii diwaangalinta koobaad ee beerta. Waxay aad ugu dadaashay dugsiga iyo guusha ardeyda maxaa yeelay tani waxay ahayd bulshadeedii. La shaqeynta Summit Atlas waxay ka caawisay Halma inay u horumarto xirfad ahaan iyo shakhsi ahaanba. Waxay qaabaysay galgacalkeeda barnaamijyada dugsiyada bulshada.

Maxaa yeelay West Seattle waxay leedahay bulshooyin kooban oo aad iskugu xiran, waxay awooday inay ogaato jawaab celinta oo ay si dhakhso ah u hirgaliso isbadelada.  Tani waa waxay Halma ka jeceshahay dugsiyada bulshadu maamusho. Waxa loo dhisay si loogu adeego waxay bulshadu rabto, wayna u dabacsan yihiin si ay wax uga qabtaan waxa bulshadu u baahan tahay – gaar ahaan bulshada wax baratay. Isbadelada si dhakhso ah ayaa loo hirgalin karaa si loo hubiyo in dadka yaryar waxbadan uga qarsoonaan. 

“Waxaan halkan u joogaa inaan dhageysto caruurta, iyo inaan dhageysto bulshada,” ayey tiri Halma. “Taasina waa shayga wanaagsan ee dugsiyada bulshada – waxaad awoodaa inaad dhageysatid qoysaska oo aad sameysid doorashooyinka sida ugu wanaagsna u anfacaaya caruurta bulshada.”

Helitaanka Why Not You Academy

Ka bilaabista dhisme dugsiga meel hoose waxay u ahayd khibrad cajiiba Halma. “Markaad heshid dugsiga bulshada, waxaad abuuri kartaa dhamaan barnaamijyada aad rabtid inaad ku aragtid deegaanka waxbarashada,” ayey tiri Halma.

Taasina waa sababta ay si farxadle ugu biirtay kooxda Why Not You Academy.  “Waxa badan ayaan ka bartay Summit Atlas waxaanan rabay inaan hirgaliyo waxaan bartay,” ayey tiri Halma.  “Markii WNYA yimiday, waan jeclaaday fikirka tijaabada shaqada maxaa yeelay waxbarashadu waxay u baahan tahay inay la tacaluqdo caruurta.”

Why Not You Academy wuxuu badanka u adeegaa bulshada Bariga Afrika, kuwaasoo joogitaanka Halma yaqaan soona dhaweeya.  Halma waxay taageero waydiisanaysay xaafadaha si ay wax uga ogaato qoysaska, iskugu xirto bulshada una noqoto gudi wanaagsan oo baahiyahooda dugsiga xalisa. 

Astaantani waxay caawisay qoysaska Why Not You Academy madaamoo COVID-19 sii socdo si dugsiyada loo xiro. Inkastoo hogaamiyayaasha Why Not You Academy sameeyeen go’aan aad u adag si dib ugu dhigaan furitaanka albaabadooda inta lagu jiro xanuunka, Halma waxay nashqadaysay habab cusub oo ay ku taageerayso qoysaska iyo caruurta inta badan uga baahan khayraad dheeriya dugsigooda. 

Markay wicitaanada u diraysay qoysaska, Halma waxay maqashay in aqoonyahanadu la halgamayeen helitaanka tiknoolajiyad joogto ah iyo goob degan oo diirada la saaro.  Waxay maqashay caqabadaha qoysaska waxayna ka shaqeysay inay xal hesho iyadoo mareysa xarumo waxbarasho oo kooban. Halma waxay ka shaqeysay inay aqoonsato qoysaska ugu baahida bdan si ay u hubiso in aqoonyahanadoodu helaan goobta iyo taageerada ay u baahnaayeen si ay uga gudbaan sanad dugsiyeedkan. Waxay ilaa hada bilowday inay caawiso qoysaska ay haystaan caqabado luuqadeed ama tiknoolajiyadeed inay buuxiyaan codsiyadooda ka qeybgalka xarumaha.

Markay la shaqeynayso aqoonyahanada, Halma waxay diirada saartaa siinta qalabka ay u baahan yihiin si ay uga qeybqaataan waxbarashadooda. Tani waxa ku jirta raadinta macluumaadka, dajinta hadafyo maalinle ah iyo qorshayaal shaqo si loogu guulaysto hadafyadaasi, iyo caadooyin waxbarasho oo wanaagsan si loo maamulo shaqada. Si kooban, xirfado nololeed. Hadafka Halma waa inay siiso aqoonyahanada waxay u baahan yihiin si ay ugu guulaystaan si madaxbanaan.

Matalidu Waa Muhiim

“Hadii xanuunkani waxuun i baray, waa inaad noqtid qofka aad u baahnayd markaad yareyd,” ayey tiri Halma.

Iyadoo si fiican uga warhaysa in matalaadu muhiim tahay, Halma waxa ka go’an inay isku xirto aqoonyahanad iyadoo mareysa dhaqan ahaan indho fayow. Waxay si wanaagsan ula dhistay xiriiro wanaagsan oo kalsooni leh aqoonyahanada iyo qoysaskooda, labadaba Summit Atlas iyo Why Not You Academy. Waxay sidoo kale sii wadaa inay weydiisato caawimo xaafadaha si ay ula dhisto xiriiro bulshada.

“Tani waxay iga siisaa faham balaaran bulshooyinka aynu rabno inaynu u adeegno,” ayey tiri Halma. “Waxaanan xasuusnaan karaa arinta markaynu fidino waxaynu bixinayno.”

Mid ka mida caqabadaha ay Halma ku ogaatay bulshadu waa fikradaha dhaqan ahaan la xiriira ee caafimaadka dareenka bulshada. Socdaalkeeda inay hesho wakiilo la wadaaga arinteeda Muslim ahaan iyo Qof Midableba, way ku guul daraysatay. “Markaan ka idhaahdo shay daaweynta jidhka oo gacan dhaafa, waxaan arkaa inaynu u baahanahay wadasheekaysi faham dhaqan,” ayey tiri Halma. “Way fiican tahay wayna awood badan tahay inaad dareentid ansixin.”

Iyadoo marwalba raadinaysa xal, Halma waxay imika sidoo kale ka qaadanaysaa shahaadada heerka labaad Cilmi nafsiga, iyadoo diirada saareysa guurka iyo latalinta qoyska: Shahaadadan iyo xeerarka cusub waxay is dhexgalinayaan galgacalka waxbarashada iyo caaimaadka maskaxda ee Halma. 

Qoysaska ay Halma u adeegto, waxay dhisaysaa qalabka iyo farsamooyinka u caawiya caafimaadka maskaxda qaabab ku haboon. “Dadka Beriga Africa waxay jecel yihiin sheekooyinka, waxaan aqaan gabayo badan,” ayey tiri Halma. “Tani waa farsamo dayactira, iyadoon lahayn ‘waa dawo.” Micno ayey leedahay maxaa yeelay aqoonyahanada iyo dhalinyarada bulshadu waxay bilaabayaan inay qaataan qalabkani si ay u taageeraan caafimaadkooda bulshada iyo dareenka.

“Waxaan ku arkayaa isbadel badan South Seattle markaynu diirada saarno caawinta caruurta. Markaynu siino qalabka ay u baahan yihiin, waxay u qaataan guryaha waxayna la sameeyaan qoysaskooda. Tani waa sida isbadelku u dhaco”

Tani waxa cadeyn ugu filan Halma, xaqiiqdii, isbadelku wuxuu u dhacaa hal qof markiiba.

Hababka aad u caawin kartid

Si aad u caawisid dugsiga Halma, Why Not You Academy, booqo wabsaaydkooda ama is diwaangali si aad uga qaybgashid lacag ururinta onlaaynka ah ee Diseembar 8, 2020 ee OneCause.

Si aad u caawisid WA Charters hubi in qoysas badan heli karaan dugsiyada sida Why Not You Academy iyo hagaamiyayaasha sida Halma, booqo bogayaga deeqda.