Register for WA Charters 2024 Conference on May 4 at SeaTac, WA!

Safar Waalid ku Noqday Xuquuq u Doode

Nov 17, 2020 | Blog, Stories

Yadira Lemus waxay waalid ka tahay Dugsiga Dadwaynaha ee Impact. Inanteeda Debbie, oo ku jirta fasalka koobaad, ayaa dhigataa Dugsi Dhexe ee Impact Puget Sound. Wiilkeeda Ithiel, oo barbaarinta ku jiraana, wuxu dhigtaa Dugsiga Hoose ee Impact Salish Sea. Sannad dugsiyeedka caadiga ah, dugsiyadaasi waxay ku kala oolli lahaayeen goobo kala duwan – Tukwila iyo South Seattle. Hase ahaatee, ka hor cudurkan safmareenka ah, ayay labada dugsi wadaageen dhismaha Dugsi Dhexe ee Puget Sound ee ku yaal Tukwila. Intii lagu jiray cudurkan safmareenka ah, labada dugsiba qaab onlayn ah bay u shaqaynayeen, in kastoo dugsigu daryeel caruureed xarunta ku siinayay qoysaska u baahda.

Yadira waxay ku kortay Frenso, CA halkaaso inta badan fasalada laga soo saari jiray maadaama aanay Ingiriisi ku hadli kari jirin. Markay dugsiga sare ka gashay Los Angeles, CA, waxa lagu daray kooxda Ingiriisida Luuqad Labaad ahaan u barta. Waxay dareentay inay dadka ka dambayso, niyadjabsan tahay oo aanay awood u lahayn waxbarashadeeda. Dhaqankan Ingiriisi bartayaasha, kaasoo caadi ka noqday nidaamkeena waxbarashada dadwaynaha, wuxu awoodsiinayaa fikirka tusinaya in dadka luuqadda Ingiriisiga u dhashay ay asliyan ” ka maskax badan” yihiin kuwa luuqadaha badan ku hadla. Xitaa markay A ka keentay fasalkeedii waxbarashada guud ee Ingiriisida ku baxayay, Yadira waxay dib ka sheegtay in saaxiibadeeda fasalku is waydiiyeen saxsanaanta darajadeeda.

Yadira nidaamkaas waxbarasho ee dulmiga ku dhisan ayay ka soo dhex baxday; waalidkeedna sidaas uguma lug lahayn waxbarashadeeda. In kastoo ay adkaysi qayrul caadi ah samaysay, haddana dhibtan ay la kulantay wali way xanuujisaa markay xasuusato. Yadira iyo qoyskeedu halkan waxay ka soo galeen Maksiko, midkoodna kuma hadlayn Ingiriisi ama Isbaanish. Waxay ku hadli jireen lahjad la dhaho Mixteco, taas oo ah luuqadda asalka ah ee Oaxaca. ” Intaan korayay, marna taageero dhanka dugsiga ah kamaan helin iyaga (waalidka), sababtuna maaha inaanay na jeclayn, balse shaqo ayay kaalmadayada ugu jireen. Marnaba kama fekerin inay taasi noo suurtogelinaysay inaan wax intan ka badan qabsano.:

Markay si guul leh nidaamka u dhex qaaday keligeed, oo ay u guurtay Washington shaqana ka bilowday Xarumaha Caafimaadka Bulshada ee Sea Mar, ayay Yadira aragtay dad guul gaaray oo iyadoo kale ah. ” Waxaan arkay dhaqaatiir Hisbaanik ah. Waxaan arkay kaaliyaal caafimaad iyo kalkaalisooyin Hisbaanik ah. Markaasbay iga fekersiisay: Qayb ayaan ka noqon karnaa inana tan. Dadka cadcad iyo dadka qaniga ah uun looguma talo gelin. Waa wax aan dhammaanteen samayn karno, waxbarashaduna qayb ayay ka qadataa taas.”

Maanta, waalid ahaan, waxay rabtaa inay caruurteeda u noqoto waalidkii u doodaha ahaa ee ay iyadu wayday. Tan ayaa ah dhiirigelinteeda ugu wayn. ” Waa muhiim inaad waalid ahaan sida ugu badan ee suurtogal ah ugu dhex jirto waxbarashada ilmahaaga. Ma filayo in masuuliyadda waxbarashada ilmahaygu saaran tahay macalinka iyo dugsiga oo qudha. Guriga ayay ka soo bilaabantaa. Aniga iyo macalimiintuba waan wada shaqaynaa.” Yadira waxay la wadaagtaa xaalad kasta oo farxad iyo dhiba oo dhaca dugsiga. ” Waxaan rabaa in caruurtaydu ogaadaan inaanay jirin wax xaddidaya meeshay tegi karaan,” ayay tidhi iyadoo aad u aaminsan. 

Yadira waxay ugu horrayntay Dugsiyada Dadwaynaha Impact ku aragtay xaflad dadwayne mar Debbie laba sannadood jirtay. Wax sidaasa kamay ogayn dugsiyada jaartarka balse khatartaas way u badheedhay ka dib markay ogaatay in gabadhay eedada u tahay dugsi xaafadda ku yaalay lagu dhibay. Waxay ogayd in dugsiyada gaarka loo leeyahayna meeshaba la keeni karin maadaama aanay caruurteeda saddexda ah midkoodna ka bixin karayn. Waxay diyaar u ahayd inay isku daydo wax kasta oo fursad siin kara fulinta riyooyinka iyo rajooyinka ay caruurteeda la rabtay. ” inay noqdaan muwaadiniin fiican oo caawiyaan dadka kale ee baahan.”

Way faraxday markii caruurteedii mid kasta la qoray Impact. Waxay dareentay in wax kasta oo dugsigu sameeyo si fiican u qorshaysnaa ula jeedona lahaa oo ay ” go’aankii ugu fiicnaa qaateen markay Debbie iyo Ithiel qoreen halkaas.” Caruurteeda waxa loo kobciyay oo loo cariyay qaab mid kastaa awoodiisa si buuxda ugaga faa’ideysanayo hab wadajira.

Yadira dedaalkeedii waalid iyo udoodenimo ayay sii kordhisay. Waa “ciyaar beddele” dhab ah. Waxay ahaan jirtay xiriiriyaha waalidka iyo macalimiinta ee fasalka Debbie, waxay ku tabarucday saacado bilaa dhammaada oo ay macalimiinta kaga caawinayso dhanka fasalka, waalidkay ku dhiirigelisay inay ka qaybgalaan xafladaha, caawimay ka geysatay dhisidda garoonka ciyaarta ee dugsiga, waxaanay qorsheysay casho hagiseed. Waxay xitaa caawimo ka geysatay agaasinka xaflad qalinjabineed safaari ah oo dhacday intii dhismaha dugsigu u xirnaa COVID-19, taaso farxad badan dhalisay intii lagu jiray go’doonka.

Markii WA Charters ay soo agaasimeen Maalinta Sharciyadda Waalidka Olympia horaantii 2020, Yadira waxay ahayd dadkii ugu horeeyay ee taburuca. Waxay si geesinimo leh sharci dejiyayaasha ugala hadashay sida dugsiyada dadwaynaha ee jaartarku sida Impact oo kale ay isbeddel ugu sameynayaan waxbarashada ilmaheeda iyo sababta caruurteedu, sida ardayda kale ee dugsiyada dadwaynahaba ugu qalmaan inay helaan maalgelin waxbarasheed u qalanta. Mar ay Olympia la aaday Sea Mar, khibradan u doodista waxbarashada ilmaheeda indho-fur bay u ahayd waxaanay siisay wakaalad ay sheekadeeda shaqsiga ah ku wadaagto. 

Yadira waxay aaminsan tahay in waalidku kaashadaan macalimiinta si ay uga caawiyaan koboca ardayda dugsiga. “Waxa jira koox waalideed dugsigu u baxshay Gudidada Waxqabadka Xaafadda Waan jeclahay kelmadaas sababtoo ah waxaynu nahay xaafad korsanaysa caruurteeda.”

Yadira way sii wadaysaa ka warhaynta waxbarashada caruurteeda waxaanay u doodi doontaa in dhammaan caruurtu hesho dugsiyo caddaalad ah oo la wada leeyahay. Yoolkeeda xiga ee dugsigu waa inay noqoto qofka lagala soo xiriiro qoysaska ku hadla Isbaanishka, oo ay ka caawiso inay dareemaan inay awood u leeyihiin inay ku dhex jiraan waxbarashada caruurtooda.

U doodayaasha waalidka ah sida Yadira waa rajadayada ugu wayn markay arintu timaado beddelista siyaasadaha caddaalad-darrada ah iyo abuurista bulsho dugsiyeed wada jirta oo is taageeraysa.


Hadii aad jeclaan lahayd inaad xuquuq u doode noqoto ama aad qaab kale u hawl u gasho, tixgeli hawlahan soo socda: