Register for WA Charters 2024 Conference on May 4 at SeaTac, WA!

La kulan Corbin, Kernadie iyo wiilkooda Rowan – Oo wax u wada baranaya mustaqbal ifaya

Nov 19, 2020 | Blog, Stories

Corbin, Kernadie iyo wiilkooda Rowan

Corbin, ardey dhigta Dugsiga Cusube Lumen ee Spokane, WA, ayaa ka quustay inuu helo GED giisa wakhti dhow. Markuu ogaaday inuu ilmo u dhalanayo, Corbin wuxuu isk ilaaway riyooyinkiisii ka qalinjabinta dugsiga sare iyo bilaabista koleej. Taas badelkeeda, wuxuu helay shaqo. Corbin ahaan, qoyska ayaa ahmiyada koobaad leh.

Dugsiyada caadiga ah looguma talo galin ardeyda Corbin oo kale ah – ama waalidkisii soo korsday, Kenadie – inuu ku guulaystaan riyoojinkooda. Xaqiiqatan ma bilowdo inay wax ka qabato caqabadaha badan ee la socda shaqqeynta, waxbarashada, iyo korinta qoyska. 

Carqaladahani way sii kordheen madaamoo COVID-19 abuuray caqabado badan oo ka horyimid guusha waalidka dhalinyarada ah. Markii Corbin, Kenadie, iyo wiilkooda, Rowan, fursad u haleen inay noqdaan ardeyda lagu aasaasay Dugsiga Sare ee Lumen, way faraxsanaayeen. Fursadani awgeed, caqabadahoodu kama hor istaagi doonaan dhameystirka waxbarashadooda. 

Lumen: xoojinta labo jiil oo ardey ah

Dugsiga Sare ee Lumen waa nooc dugsi sare oo ku cusub gobolka Washington, oo loogu talo galay gaar ahaan in lagu caawiyo ka go’naashaha iyo geesinimada dhalinyarada sidoo kale waalidka ah. “Kenadie wuxuu runtii ahaa midka helay Lumen iguna dhiirigaliyey anigu inaan tago,” Corbin ayaa yiri. “Waxaan ka hadhay dugsiga labo todobaad ka hor dhamaadkii labadii sanee ugu danbeeyey markaan ogaaday inuu Rowan soo socdo.”

“Waxaan ka ogaaday Lumen barnaamij loo yaqaan Young Life waxaanan kala hadlay Corbin,” ayuu yiri Kenadie. “Marka horeba waxaan dhiganaayey dugsiga igumana habooneyn. Waxaan ku baranaaney onlaayn, maxaa yeelay kumaan niyadsameyn inaan shakhsi ahaan u tago maxaa yeelay maan haysan cid ii daryeesha Rowan. Inaan awoodo inaan soo qaato Rowan oon la tago xarunta waxbarashada barbaarinta caruura Lumen ee, Glow, waa wax aan aad runtii u jeclaystay.”

Hadaba, siday u eeg tahay nolosha maalin ee ardeyga dhigta Lumen balse aan toos u iman? 

Marka koobaad, way dabacsan tahay. Ardeyda ay saaran tahay masuuliyada waalidnimo waxay leeyihiin dalabyo badan oo wakhti – shaqo, dugsi,  balamo caafimaad (iyaga iyo caruurtooduba), iyo daryeel caruureed hadaynu wax yar ka sheegno – sidaas darteed dabacsanaantu waa shay u muhiima Lumen. Lakiin taasi macneheedu maaha inaan shuruuc la raacin; ardeydu iyagaa rajooyin sare leh waxaana lagu xoojiyaa inay xakameeyaan waxbarashadooda.

Maalinkastoo Lumen waxay ku bilaamantaa kuna dhamaataa Nest. Nest waa meel ardeydu kula xiriirto kooxaha kooban ee ardeyda kale ah iyo xubnaha shaqaalaha si ay ugu diyaar garoobaan maskax ahaan, jidh ahaan, iyo dareen ahaanba maalintooda dugsiga ee soo socota. “Waa meel lagu dhiso bulshada iyo jilicsanaanta.  In la isbarto la iskuna naxariisto,” ayey tiri Melissa Pettey, Maamulaha Lumen.

Mid ka mida qeybaha xiisaha leh maalinta Kenadie, Nest waxay matashaa in badan oo ka mida wuxuu Lumen yahay – sameyna lahaansho, dhiirigalinta sahaminta, iyo dhisida joogteynta iyadoo la maraayo taageero dhameystiran oo ku haboon.

Corbin, Kenadie, iyo ardeydoodu waxay ka dib ka qayb galaan fasalo wareega, oo daboola waxyaabaha ugu muhiimsan. Isniinta waa sayniska Corbin. 

“Waligay kumaan wanaagsaneyn sayniska ka hor, macalinkan sayniska, run ayey ka dhigtaaba,” ayuu yiri Corbin. “Waxay u dhigtaa siyaabo badan oo kala duwan sidaas darteed hadii aanan hal hab ku fahmin, si kale ayaan ku fahmaa. Waxa wax la iiga dhigay buugaagta, lakiin waxaan ahay nooca dadka waxa gacanta ka sameeya; waxay sameynayaa muuqaalo, wax gacanta laga qabanayo, aniga ayaana la ii nashqadeeyey iyo awoodayda.”

Ka dib fasalada muhiimk ah, waxa jira fasal dhaqdhaqaaqa. Shaqada jidhka, wadaagista, isku xirka, iyo qosolku waa waxyaabaha ugu muhiimsan ee fasalka Lumen PE. Ardeydu wali way xishoodaan wayna isku cusub yihiin, sidaas darteed xiriiro badan iyo wakhti isku imaatinku waa muhiim. Xiriirka gaarka ah iyo hogaaminta ardeydu way weyn tahay – xataa onlaaynka. Amaanista isku imaatinka, soo jeedinta ardeyda, abuurista xiriir ardeya iyo wada shaqeynta kooxa kooxaha ah waa qeybaha ugu muhiimsan ee nidaamka Lumen. 

“Codka areydu WAA Lumen,” ayey tiri Maamule Melissa Pettey.

Qadada, areydu waxay la kulmi karaan wakiilada midkiiba onlaayn si ay ugala hadlaan shaqadooda dugsiga, maalintooda, iyo waxyaabah noloshooda ee xanibaya waxbarashadooda. Marka laga yimaado latalinta waxbarashada, areydu sidoo kale waxay heli karaan khayraad badan oo ay ku jiraan shaqaalaha bulshada, la taliyayaasha caafimaadka maskaxda, khabiirka caawimada dugsiga, iyo khabiirka ka dib dugsiga sare. Marka dugsigu u bilaabo marlabaad imaanshaha, waxay sidoo kale heli doonaan baadhitaan caafimaad oo ardeyda iyo balamaha caruurta ah. Hadafku waa inay ardeydu helaan waxkastooy u baahan yihiin si ay ugu guulaystaan dugsiga.  

Daraasada madaxbanaan iyo CTE – ama Xirfada iyo Barashada farsamada – fasalada waxa la diyaariyaa duhurka laga bilaabo ilaa saddex waxayna waafaqsan yihiin taageerada khibradaha waalidka, ooy ku jiraan horumarinta caruurta iyo fasalada waalidka.

Lumen waxa ka go’an u taagerida iyo abaalmarinta ardeydiisa iyo qoysaskooda nidaamyo hal abuurle. Tusaale, ardeydu waxay heli karaan ‘Qalabka Caruurta’ – nidaam dhibco – oo loogu talo galay xaadiriska, talaabooyinka dadka kale, ama isku dayida awoodaada.  Qalabka caruurta waxa lagu bixin karaa goobta dugsiga ee Dukaanka Qurxinta, kasoo bixiya alaabo loogu deeqay ardeyda iyo caruurtooda. Dugsiga waxa sidoo kale ka go’an helitaanka khayrkaad iyadoo bulshadu caawinayso codsiyada gaarka ah. 

3 pm maalin kasta, ardeydu waxay kusoo noqdaan Nest-gooda waxayna kusoo xiraan maalintooda taageerada, xiriirka, iyo xoojinta.

“Waan ogahay inaanu dugsiga dhiganeynay kaliya saddex todobaad, lakiin waxaan ku guulaystay shaqadaydii dugsiga,” ayuu yiri Corbin. “Markii aan dugsiga dhigan jiray awal, saddex todobaad gudohood waan dhici lahaa.”

Dhisida Xiriirada Bulshada

Jadwalkan onlaaynka ah ma noqon doono sharciga mudada dheer. Lumen mar horeba wuxuu u bilaabay xarunta kooban, ee waxbarashada barbaarinta daryeelka maalintii hal maalin todobaadkiiba.

Imika, waxay sameynayaa siyaabo ardeydu iskugu xirnaato si badqabta dibada iyagoo jooga beerta iyo shaqooyinka kale ee bulshadu kala durkayso sida xafladaha onlaaynka ah ee bulshada, iyo dhamaan kulmada dugsiga. 

“Waan ku faraxsanahay inaan imaado,” ayey tiri Kenadie,” Waxaan rabaa inaan ka baxo, oon bulshada dhexgalo, kuna xirnaado dadka. Taasi waa ii muhiim runtii aniga.”

Maxaa u xiga Kenadie iyo Corbin?

Iyadoo ah ardeydii lagu aasaasay Lumen, Kenadie iyo Corbin waa isbadel sameeyayaal – waxay badelayaa aragtiyaha iyo fikradaha khuseeya dhalinyarada waalidka ah iyadoo taageero ka helaya nidaamka dugsiga iyo macalimiinta cajiibka ah iyo daryeel bixiyayaasha. Waxay badelayaan noloshooda, iyo waliba, ta Rowan. Intasi waxa dheer, waxay tusayaan dhalinyarada kale ee duruufo la mida ku sugan inay macquul tahay inay ku guulaysan karaan ardey ahaan iyo waalid ahaanba haday maskaxo wanaagsan, taageero, iyo fursado waxbarasho.

Labaduba waxay qorsheeyeen inay ka qalin jabiyaan koleejka oo ay noqdaan saynisyahno baadha danbiyada.  Markay dhameeyaan dugsiga sare, Lumen wuxuu kasii warhayn doonaa Kenadie, Corbin, iyo qalinjabiyayaasha kale isagoo maraya barnaamij tababar oo siin doonaa taageero waalidka bilaabaya koleejka ama xirfad shaqo ka dib qalinjabinta. 

“Waxaan ka helayaa fursad labaad dugsiga Lumen,” ayuu yiri Corbin. “Fursad kasta oo aan ku helaayo dibloomadayda – si dhakhso ah ayaan u qaadan doonaa!”


Sidaad u caawin kartid

Hadii aad jeclaan lahayd inaad taageertid Lumen, kasoo ku yaala Spokane, Washington, halkan waxa ah siyaabo kooban oo aad ku caawin kartid: 

  • Ugu tabaruc onlaayn barnaamijka
  • Ugu tabaruc carwada,dharka, dharka caruurta, iyo qaabka qurxinta caruurta (lakiin hadii aad hayn kartid imika ilaa iyo ay si badqabta u gudoomayaan, taasi way fiicnaan lahayd!) adigoo iimayl u diraya Shauna Edwards, Agaasimaha Guud, halkan sedwards@lumenhighschool.org
  • Mutadawacnimo si aad u caawisid marka ardeydu kusoo noqoto dugsiga
  • Mutadawacnimo si aad u tabobartid waalidka sanadka ka dib dugsiga sare